Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeyn ka geystay magaalada Xudeydah ee dalka Yemen sida ay goor dhow baahisay wakaalada wararka ee AFP
Israel ayaa aargoosanaysa duqeyntii ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta ka geysteen bartamaha Tel Aviv.
Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa horey uga digay inay Israa’iil iska horimaad toos ah la gasho Xuutiyiinta oo tan iyo November ka mamnuucay badda cas maraakiibta ganacsiga ee ku socda dekedda Israa’iil.
Duqeynta ay diyaaradaha Israa’iil ka geystaan goobaha Xuutiyiinta ee gudaha Yemen, kama duwana duqeymaha Mareykanka iyo Ingiriiska, balse waxay cadeyn u noqoneysaa awooda Xuutiyiinta, maaddama weerar toos ah uu uga imaanayo Israa’iil oo aan adeegsan wakiillo kale.
Weli faahfaahin lagama hayo goobaha ay beegsadeen dayuuradaha Israel ee ku yaalla dalka Yemen iyo hadii uu jiro khasaare ka dhashay.
Weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliyaha lahayn ayaa ka dhacay bartamaha Tel Aviv, maalmo ka hor kaasoo lagu dilay ugu yaraan hal qof , siddeed kalana ay ku dhaawacmeen.
Weerarkan ayaa ka dhacay meel ku dhow safaaradda Mareykanka ee ku taalla Tel Aviv, kaddib waxaa la arkay dhaawaca iyo burburkaFiiro gaar ah
Weerarka waxaa sheegatay kooxda Xuutiyiinta Yemen, iyadoo sheegashadan ay qof walba ku noqotay mid la yaab leh, sababtoo ah weerarkan ayaa noqonaya mid horumarsan
Wuxuu usoo jiiday weerarkan Israa’iil fadeexad weyn, maaddama nidaamka difaaca Israa’iil uu awooddii waayay inuu celiyo, weerar sabab u noqon karay dhimashada dad badan oo ka dhacda Tel Aviv, xataa ma jirin digniin laga helay nidaamyada difaaca oo ay Israa’iil ku sheegi jirtay kuwa ugu horumarsan caalamka