Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaannada Digil iyo Mirifle oo tallaabo adag ku hanjabay haddii…

Xildhibaano iyo Wasiiro ka soo jeeda Beelaha D&M oo goordhaw shir ku yeeshay Xarunra Villa Hargeysa ayaa kawada hadlay sidii loo fullin lahaa, ballan madaxda sare dalka horey ugu qaadeen oo ahaa in loo magacaabo Ra’isul wasaare kuxigeen labaad.

Xildhibaannada ayaa dood iyo falanqeyn kaddib  waxay isla garteen tallaabada ay qaadayaan haddii muddo 24 saac gudahood lagu magacaabi waayo xilka Ra’iisul Wasaare kuxigeenka labaad oo matala Beesha Raxanweyn.

Waxa ay sheegeen xikdhibaannadan goordhaw Muqdisho ku shiray  inay yihiin canshuur bixiyayaal, qeybta ugu weyn ay ka yihiin la dagaalanka argagixisada iyo dhismaha ciidanka qalabka, sidaa darteed xaq u leeyihiin Ra’isul Wasaare Kuxigeen.

Qorshahan Ra’isul Wasaare kuxigeenka labaad ku dalbanayaan beesha Digil iyo Mirifle waxaa dhankooda si weyn uga soo horjeeda oo iyana shirar ku leh Muqdisho xildhibaanno kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Somaliland.

Beesha Raxanweyn ayaa xilligii dowladdii KMG waxay laheyd xilka Ra’iisul Wasaare Kuxigeen lagu dheeli tiri jiray awood qeybsiga, maadaama dalka uu xilligaas uu lahaa saddex Ra’iisul Wasaare kuxigeen, balse muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la baabi’iyay dhowrka Ra’iisul Wasaare Kuxigeen.

Related posts

Xiliga Xariga laga jarayo Tayaatarka Qaranka iyo Garoonka Cayaaraha Muqdisho oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Gudoomiyaha DP World iyo Muuse Biixi oo kulan xasaasi ah yeeshay (Sawirro)

Cabdi Cade

Abuu Mansuur oo ka hadlay in akoonsiisa lagu shubay 5 Milyan oo dollar baarisna dalbaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---