Allbanaadir.com
NEWS

Khilaafka Xamse Barre iyo kuxigeenkiiisa oo bannaanka yimid !

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay khilaaf hoose oo u dhaxeeyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo kuxigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac , kaa oo salka ku hayay awoodda xafiiska iyo arrimo kale.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaana la sheegay in khilaafka kaddib bilaabay fullinta ballanqaad horey isaga iyo Madaxweynaha ugu sameeyeen xildhibaanno, kaa oo ahaa in la sameenayo Ra’isul Wasaare kuxigeen labaad , si loogu qanciyo xildhibaannadii ballanqaadka loo sameeyay.

Kuxigeenka Xamse Barre oo isna ka carooday qorshaha lagu abuurayo Ra’isul Wasaare kuxigeen labaad ayaa soo kiciyay xildhibaannada iyo wasiiradda beesha Direed ku mataela dowladda Federaalka, kuwaa oo diidan qorshaha lagu abuurayo Ra’isul Wasaare kuxigeenka labaad.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo Saalax Axmed Jaamac ayaana muddooyinkii ugu dambeeyay ku kala jiray xaalad kala shaki ah, waxa ayna hadda u muuqataa labadan masuul wada shaqeyntooda in ay sii xumaaneyso haddii aan xal loo helin khilaafkooda.

Xildhibaannada kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Somaliland uu wehliyo Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka ayaa la sheegay in ay la ballansan yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa ayna kala hadli doonaan khilaafka taagan iyo cabashada ay ka qabaan qorshaha lagu abuurayo Ra’isul Wasaare kuxigeen labaad.

Xukuumadda Xamse Barre oo muddooyinkan ku fashilantay shaqooyinkii loo igmaday ayaa haddana waxaa uga sii daraya khilaafka u dhaxeeya labada masuul ee ugu sarreeya xafiiska, waxaana laga cabsi qabaa in khilaafka hadda soo bannaan baxay uu kasii daro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Magaalada Kismaayo

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Samantha Power iyo Xubno la socday (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo shaacisay sababta Waqtiga Dheer u qaatay Weerarkii Al Shabaab

Cabdi Cade