Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulan muhiim ah la qaatay kusimaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Md. Raisedon Zenenga.
Qoorqoor iyo Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa kulan ay yeesheen waxa ay kaga wada hadleen xaaladda guud ee deegaannada maamulka Galmudug iyo mashaariicda Qaramada Midoobay ka wado deegaannada Galmudug.
Sida aan xogta ku heleyno Md. Raisedon Zenenga ayaa Madaxweynaha Galmudug wax ka weediiyay xaalada hubkii dhawaan lasoo galiyay deegaanno katirsan Galmudug, kaa oo ay la wareegeen maleeshiyaad kasoo jeeda Caabudwaaq.
Madaxweynaha Galmudug ayaana ergayga Qaramada Midoobay matalayay la wadaagay xogta hubka lasoo galiyay deegaannada Galmudug , waxa uuna u sheegay in ay socdaan dedaalo ay iska kaashanayaan maamulkiisa iyo dowladda oo hubka gacanta shacabka looga soo celinayo.
Hubka lasoo galiyay deegaanno katirsan maamulka Galmudug ayaa abuuray xaalad shaki iyo xiisad, waxaana magaalada Muqdisho looga yeeray Madaxweynaha maamulka Galmudug Qoorqoor, si wax looga weediiyo hubka lasoo galiyay Galmudug iyo cidda masuulka ka aheyd.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com