Allbanaadir.com
NEWS

Cali Guudlaawe oo hal arrin u tagay degmada Cadale (Sawirro)

Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa waxaa degmada Cadalle ee Gobalka Shabeellada Dhexe ku soo dhaweeyay maamulka iyo shacabka degamada.

Socdaalka waxaa Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ku wehlinayay xubno ka kala tirsan Golaha Wasiirrada, Barlamaanka, Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada qalabka sida.

“Wax walba oo horumar ah waxa ugu horeeyo in la ilaaliyo nabadda, dhawaan waxaa xariga laga jari doonaa garoonka degmada Cadalle.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ugu mahadceliyay Xildhibaanada deegaanka, maamulka iyo shacabka degmada Cadalle soo dhaweynta aan loo kala harin.

Related posts

Duqa Muqdisho oo kormeeray Wado Cabasho laga keenay oo dib u dhis lagu bilaabay (Sawirro)

Cabdi Cade

Sargaal Ciidan oo Caan ah oo loo magacaabay Guddoomiye Degmo (Akhriso Wareegto)

Cabdi Cade

(Sawirro) Shiinaha oo Dowlada Somalia ku wareejiyey dhaqaale loogu talao galay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---