Allbanaadir.com
NEWS

Dil ka dhacay Mesegaway & haween Shabaab ah oo la qabtay

Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan magaalada Mesagawey ee gobalka Galgaduud ayaa saaka toogtay dagaalyahan ka tirsanaa Al-shabaab.

Ninkan ayaa lagu qabtay koontaroolka degmada Mesagawey, isagoo ku hubeysnaa qori AK-47 ah sidaay sheegeen saraakiisha ciidamada aagaas ku sugan.

Dhinaca kale, ciidamada ayaa qabtay 3 gaari oo nuuca layla Calaawi ah oo shidaal waday, waxaana lagu qabtay deegaanka Xuseen cagey.

Saraakiisha ayaa sheegay inay saarnaayeen dumar al shabaab u socday ayna gacanta ku dhigeen, mana sheegin faahfaahin intaas ka badan oo la xiriirta dumarkan iyo ujeedkooda ma aysan bixin Saraakiisha.

Related posts

R/Wasaare Kheyre oo Shaqo joojin ku sameeyay Wasiir kuxigeenka Wasaarada A/Dibadda

Cabdi Cade

Walaac cusub oo Ahlu sunna ka soo wajahay Doorashada Maamulka Galmudug

admin

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo Foolxumo weyn ku tilmaamay go’aankii golaha Guurtida

Cabdi Cade
Taboola Ads ---