Allbanaadir.com
NEWS

Maxay Galmudug ka tiri go’aanadii Golaha amniga Qaranka?

Dowladda Galmudug waxey soo dhaweyneysaa go’aannada kasoo baxay Golaha Amniga Qaranka oo soo saaray xalay amarro lagu xakameynayo hubka kadib markii dhowaan Dowladdu ay sheegtay in hub sharci-darro ah laga soo geliyey xuduudda Itoobiya, kaasoo markii dambe u gacan galay dad shacab ah, meel u dhow magaalada Caabudwaaq

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo uu yeeshay Golaha Amniga Qaranka, xalay

Intii uu socday shirka, waxaa warbixinno laga dhageystay hay’adaha amniga iyo La-Taliyaha Amniga Qaranka oo soo bandhigay dhacdadan, iyadoo Goluhu uu isku raacay go’aamadan;

1-Goluhu wuxuu adkeeyay in Waaxda Kormeerka Hubka iyo Rasaasta (CMD) ee Xafiiska Amniga Qaranka oo horey ugu soo baxday (Digreeto Madaxweyne.142) ay sii waddo isla markaasna ay xoojiso korjoogteynta iyo la socodka maaraynta hubka iyo rasaasta.

2-Wasaaradda Amniga Gudaha waxaa la faray in ay soo gudbiso warbixin faahfaahsan iyo talooyin ku aaddan dhacdada hubka sharci darada ah ee dhuumaaleysiga lagu soo galiyey dalka, lagulana xisaabtamo cidda ka dambeysa, isla markaana laga hortago dhacdooyinka noocan ah inay dhacaan mustaqbalka.

3-Goluhu wuxuu isku raacay dhammeystirka siyaasadda Qaran ee Iibka Hubka, degdegna loo horgeeyo Golaha Wasiirrada.

4-Goluhu wuxuu sidoo kale isku raacay mamnuucidda iibinta iyo ka ganacsiga hubka.

5-Wasaaradda Caddaaladda iyo hay’adaha fulinta sharciga waxaa lagu adkeeyey in si degdeg ah maxkamad loo soo taago dhammaan dadka ku lugta leh hawshan sharci-darrada ah.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA GALMUDUG

Related posts

Somalia oo la wareegtay Guddoonka Ururka Jaamacadda Carabta (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo ka Jawaabtay eedeymo culus oo uga yimid Somaliland

Cabdi Cade

Dowlada Turkiga oo War kasoo saartay Qaraxii lagu weeraray Makhaayada Luul Yameni

Cabdi Cade
Taboola Ads ---