Allbanaadir.com
NEWS

Xuutiyiinta oo Tel aviv ka geystay weerar dhimasho sababay

Weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn ayaa ka dhacay bartamaha Tel Aviv, saacadihii hore ee saaka, kaasoo xilli hore lagu sheegay mid ka mid ah weerarradii ugu xoogganaa ee ka dhaca Tel Aviv, kaddib markii lagu dilay ugu yaraan hal qof, siddeed kalana ay ku dhaawacmeen.

Muuqaallada la baahiyay ayaa laga maqlay qarax culus oo ka dhacay meel ku dhow safaaradda Mareykanka ee ku taalla Tel Aviv, kaddib waxaa la arkay dhaawaca iyo burburka ka dhashay qaraxa oo goobta uu ka dhacay ay waxyar u jirtay dhisme deggaan ah oo ay ku nool yihiin boqollaal ruux, taasoo ka dhigan haddii qaraxa uu gaari lahaa dhismaha inay la kulmi lahayd Israa’iil dhimashadii ugu badneyd ee ka dhacda taariikhda Tel Aviv.

Weerarka waxaa sheegatay kooxda Xuutiyiinta Yemen, iyadoo sheegashadan ay qof walba ku noqotay mid la yaab leh, sababtoo ah weerarkan ayaa noqonaya mid horumarsan iyo in la is waydiiyo sida ay Xuutiyiinta, weerarkooda u adeegsadeen diyaarad aan duuliyaha lahayn sida laga arkay sawirrada laga baahiyay goobta ay ku qaraxday.

Wuxuu u soo jiidaya weerarkan Israa’iil fadeexad weyn, maaddama nidaamka difaaca Israa’iil uu awooddii waayay inuu celiyo, weerar sabab u noqon karay dhimashada u badan ee taariikhda ka dhaca Tel Aviv, xataa ma jirin digniin laga helay nidaamyada difaaca oo ay Israa’iil ku sheegi jirtay kuwa ugu horumarsan caalamka

Saraakiisha ammaanka Israa’iil oo u muuqda inay la yaaban yihiin weerarkan ayaa shaki gelinaya in diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee weerarkan loo adeegsaday ay ka soo duushay Yemen, taas beddelkeeda waxay sheegayaan surtagalnimada inay diyaaradan ka soo kacday markab ku sugan Mediterranean-ka, sababtoo ah weerarkan ayaa ka marqaati kaca inay jirto horumar baaxad leh oo ay Xuutiyiinta ku sameeyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Doorashadii maanta ka dhacday magaalada Jowhar

Cabdi Cade

Shiikh Aadan Madoobe oo ka qeyb galay dabaaldega Italian Festa della Republica (Sawirro)

Caydiid Ali

Faahfaahin: Ciidamada Nabad sugida oo ganacsato caan ah ku xirxiray Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---