Allbanaadir.com
NEWS

Biden oo qarka u saaran inuu ka baxo tartanka doorashada

Hoggaamiyayaasha ugu sarreeya Dimuqraadiga Maraykanka oo ay ku jiraan Chuck Schumer, Hakeem Jeffries iyo Nancy Pelosi ayaa walaac ka muujiyay inuu Biden ku guuleysan karo doorashada.

Schumer, hoggaamiyaha Dimuqraadiga ee Senate-ka, iyo Jeffries hoggaamiyaha Dimuqraadiga ee Aqalka Congress-ka, ayaa u sheegay Biden, oo 81 jir ah, inuu ka baxo tartanka madaxtinimada, sida uu ku warramay telefishanka ABC News.

Kaddib, diidmada ka timid xubnaha ugu muhiimsan Dimuqraadiga, warbaahinta Mareykanka waxay billowday inay sheegto suurtagalnimada uu Biden ku dhawaaqi karo Sabtida inuu doorashada ka haray

Arrintaas ayaa hadii ay dhacdo ku qasbaysa xisbiga Dimuqraadiga inay shir weyne ku soo magacaabaan musharraxooda kula tartamaya Trump doorashada November.

 

Related posts

Madaxweyne Trump oo ka laabtay hadal uu horey u sheegay kadib markii laga carooday

Cabdi Cade

Madaxwene Gaas iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo soo gaaray Muqdisho

Cabdi Cade

Dowlada Qadar oo ka carootay Talaabo uu qaaday Ra’isul Wasaare Rooble !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---