Allbanaadir.com
NEWS

Turkiga oo xeebaha Somalia u soo diray Markabka “Al-Rais Oruc”

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee dalka Turkiga, Alp Arslan Bayraktar, ayaa maanta shaaca ka qaaday in dalkiisu uu doonayo inuu Shidaal iyo Gaas ka baaro 3 goobood oo ka tirsan Xeebaha Soomaaliya.

Tani waxay ku soo beegantay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Istanbul ka dib markii uu magaalada Istanbul kaga qayb galay xaflad ay ku kala saxiixdeen heshiis ku saabsan baarista iyo soo saarista shidaalka oo dhexmaray Ankara iyo Muqdisho, isagoo la kulmay Wasiirka Shidaalka iyo Macdanta ee Soomaaliya, Cabdul Razzaq Cumar Maxamed.

Wasiirka Turkiga ayaa ku macneeyay in dalkiisu uu noqday mid ka mid ah dalalka leh maraakiibta ugu muhiimsan ee sahminta badda, isla markaana ay u suurtagashay inay helaan gaaska dabiiciga ah ee muhiimka ah ee ku jira badda madow taasoo ay ugu wacan tahay maraakiibta sahminta ee jirta.

Waxa uu tilmaamay in Turkiga kaliya aysan sahmin ka sameynin dhulbadeedkiisa, balse ay sidoo kale howlo sahamin ah ka sameyn doonaan xeebaha dalal dhowr ah, heshiiska ay Soomaaliya la galeenna uu daliil u yahay.

Bayrakdar waxa uu tilmaamay in markabka cilmi-baarista Turkiga ee “Al-Rais Oruc” uu ku soo wajahan yahay Soomaaliya si uu sahamin ugu sameeyo dhammaadka bisha September ee soo socota.

Wasiirka Shidaalka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in heshiiska la soo gaba gabeeyay uu qeyb ka qaadan doono xoojinta xiriirka labada dal.

Related posts

Xildh. Aamina: “Baaritaanka Maxkamada ee Kiiska Ikraan waxaa hor joogsaday NISA”

Caydiid Ali

Puntland oo ku eedeesay Madaxweyne Xasan in uu jabiyay heshiiskii Soomaali kuwada joogtay

Cabdi Cade

Heshiis dhexmaray, Dowlada Somalia, dowlad goboleedyada & Maamulka G/Banaadir (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---