Allbanaadir.com
NEWS

Shuruudaha Musharaxiinta u tartamaya kursigii Sanbaloolshe ee Baarlamanka Somalia oo la soo bandhigay (Akhriso)

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Xaliimo Ibraahim Ismaciil (Xaliimo Yarey) iyo xubno ka tirsan guddigaasi,  ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Maxmad Cabdi Waare iyo Madaxweyne ku xiggeenka maamulkaasi,  Mudane Cali Guudlaawe Xuseen,  iyaggoo ka wada hadlay arrimo la xiriira doorashada kursi ka banaan xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliya, kaasoo doorashadiisu ka  dhaceyso Magaaladda Jowhar.

Musharaxiinta xilkan u tartamaya ayaa waxaa ka mid ah C/llaahi Sanbaloolshe, oo hore ugu guuleystey isla kursigan, balse waayay markii uu noqday taliyaha ciidamada nabadsugida Soomaaliyeed, waxaana la tartamaya siyaasiyiin kale.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay  in muddo todobo maalmood ay ku diiwaan-gelin doonaan Musharaxiinta u tartameysa kursigaasi xildhibaanimo ee banaan, iyaddoo soo bandhigtay sharruudo ka kooban 11 Qodob oo laga rabo Musharaxiinta, waxaana ka mid ah:-

1- Inuu yahay Muwaadin Soomaaliyeed

2- In da’diisu aysan ka yaraanin 25 sano jir.

3- inuu heysto ugu yaraan  Shahaado waxbarasho oo dugsi sare ah.

4-  in Hay’adda Dambibaarista ee  CID-da uu ka keensado Waraaq cadeyneysa in Maxkamad la saarin, Dembina uusan gelin Shantii Sano ee la soo dhaafay.

5- Inuu ka soo jeedo Beesha Xawaadle, gaar ahaan Cali Madaxweyne.

6-  Inuu saxiixo Xeerka Anshaxa Musharaxiinta.

7- Inuu Guddiga uu usoo gudbiyo Codsiga Musharaxnimo laga Bilaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 03 ilaa iyo 10- Bisha Janaayo ee Sanadkaan 2018.

11-Waa inuu Bixiyaan Lacagta Diiwaan Gelinta Musharaxiinta, Musharaxa haddii uu Rag yahay waxaa laga doonayaa Lacag dhan 5,000 oo Dollar, Haddii ay Haween tahayna waxaa laga doonayaa 2,500 oo Dollar.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare, ayaa ugu Baaqay Musharaxiinta u tartameysa Kursiga Banaan ee Xildhibaanka Federaalka ah looga baahan yahay inay si Nabad ah ay u tartamaan, waxaana uu xusay inaan la aqbali doonin Xasilooni darro in Magaaladda uu ka abuuro u tartamida Kursigaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog: Wasiir Ducaale oo wada qorshe culus & qodobo xasaasi ah oo ka soo baxay shirkii SPF

Caydiid Ali

Aas Qaran oo loo sameeyay Marxuum Abwaan Hadraawi iyo Madax ka qeyb gashay (Sawirro)

Cabdi Cade

Faahfaahino ka soo baxaya Meydka sarkaal ka tirsanaa AMISOM oo laga helay Xalane

admin
Taboola Ads ---