Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Amniga oo si weyn loogu soo dhaweeyay Caabudwaaq (Sawirro)

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud,

Wasiirka iyo xubnaha la socday waxaa garoonka diyaaradaha Caabudwaaq kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka degmada, saraakiil ciidan, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Caabdudwaaq.

Sida aan wararka ku heleyno Wasiirka Amniga ayaa u tagay degmada Caabudwaaq xal u raadinta hubkii tirada badnaa ee dhawaan gacanta u galay dadka deegaanka Caabudwaaq , waxa uuna halkaasi kula kulmi doonaa masuuliyiinta iyo waxgaradka degmada.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu baaqday dadka shacabka ee boobay hubkii laga keenay dalka Itoobiya in ay dib usoo celiyaan, waxa ayna dowladda ku hajabtay in si xoog ah kusoo furan doonto hubkaasi haddii aan dib loo soo celin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kooxda Taalibaan iyo Dowladda Ruushka oo heshiis cusub oo kala saxiixday

Cabdi Cade

Qaabka ay u dhacayaan Doorashooyinka Somalia oo la shaaciyay & Rajo laga Muujiyay

admin

(Akhriso) Xaqiiqooyin u gaar ah Koobka Adduunka ee ka furmaya beri Magaalada Doha

Caydiid Ali