Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddo interlock oo laga hirgelinaayo waaxda Wajeer ee degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.
Waddadan cusub uu maanta dhagax-dhigay Yuusuf Madaale ayaa loogu magacdaray Sheekh weyn ee caalaimka ah Sheekh Cusmaan Xiddig, kaa oo muddooyinkan ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, aadna looga deerinayay xaaladiisa..
Duqa Muqdisho ayaa boogaadiyay iskaashiga bulshada iyo maamulka degmada Kaaraan ee ku aadan ka dhabeynta barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doolar ee lagu horumarinaayo kaabayaasha isku socodka bulshada, isagoona ugu baaqay bulshada degmada iyo maamulka degmada Kaaraan in ay si laba jibaaraan horumarinta iyo casriyeynta wadooyinka degmada Kaaraan.
Munaasabadda dhagaxdhiga waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha degmada Kaaraan Mudane Faarax Cadaani, agaasimeyaal, saraakiisha laamaha amniga, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada degmada Kaaraan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com