Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qoorqoor oo eedeymo culus loo jeediyay

Xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye oo katirsan xildhibaannada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya,  ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo mar kale doonaya in Galmudug sii hoggaamiyo,.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Madaxweyne Qoorqoor uu ka dhammaaday waqtigii dastuuriga ahaa uu xaqa u lahaa in uu talada sii hayo, waxa uuna ku eedeeyay in uu hadda lacag ku bixnayo dacaayada iyo cay ka dhan ah siyaasiyiinta damaca kaga jiro kursiga uu ku fadhiyo.

”Waxaa wax lala yaabo ah in nin ummad dhani ay hoggaan dowlad goboleed ku aaminatay oo hadana uu hada waqtigiisii dastuuriga ahaa dhammaaday in uu inta badan waqtigiisa ku lumiyo kuna mashquulo isagoo weliba ku bixiyanaya xoolihii dadka tabaaleysan – magacdilka iyo cayda siyaasiyiin kula jira tartan siyaasadeed isaga oo adeegsanaya ciyaal facebook biil ka raadsada” ayuu yiri xildhibaan Saabir.

Xildhibaan Saabir Nuur ayaana intaas kusii daray ” Waa nasiibdaro iyo maangaabnimo in uu u maciinsado dicaayad iyo warar beenabuur ah oo facebook lagu qaro in ay inaga hor istaagi karaan in Galmudug isbedel hoggaan lagu sameeyo”.

Waxa uu Xildhibaanka si cad ugu sheegay Madxaweynaha Galmudug in dhawaan fisho isbadal xilka looga qaado, waxa uuna xusay in cayda iyo dicaayadda magacdilka ah uu lacagta ku bixinayo Qoorqoor  ay caddayn u tahay quusta iyo rajobeelka  haya sida uu tilmaamay.

”Cayda iyo dicaayadda magacdilka ah waxa ay cadayn u tahay quusta iyo rajobeelka ku haya. Faanka iyo isboqrida Facebook gana waxaa isku sabarsiisa qof aan ogeyn in ay jirto maalin kale oo beri ah oo aad weli u baahan tahay in lagu beenfaaniyo.Saaxiib waxaad sugtaa dhowaan waa isbedel iyo power transfer sababtoo ah waa hubaal in xil dadweyne aan SHARCIYAD LA’AAN IYO MAGACDIL DAD aan lagu sii joogi karin” ayuu yiri xildhibaan Saabir

Hadalkan kasoo yeeray xildhibaan Saabir ayaa kusoo aadaya xilli ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay hubkii dhawaan lasoo galiyay deegaanno katirsan Galmudug, oo ay la wareegeen maleeshiyaad bhubeysan, hubkaas oon wali caddeyn cidda leh ayaa marba qolo lahaanshihiisa dusha laga saaraa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Qadar oo Balan qaad u sameesay maamul Goboleedka Galmudug (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Weerar xooggan oo qaraxyo ku bilowday ku qaaday deegaanka Caad

Cabdi Cade

Booliska Itoobiya oo Addis ababa ku xirxiray boqolaal qof oo lagu tuhmay TPLF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---