Allbanaadir.com
NEWS

C/qaadir Nuune “Inta aan Dowladnimada u baahanahay in ka badan ayaa u baahanahay daddeyn”

C/qaadir Nuune “Inta aan Dowladnimada u baahanahay in ka badan ayaa u baahanahay daddeyn”

Xaflad lagu maamuusayay maalmaha xorriyadda Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Zwolle ee waddanka Holland.

Xafladdan, oo ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyada Soomaalida Zwolle & nawaaxigeeda  waxaa ka soo qeybgalay mushtamaca Soomaalida ee deggan dacalada dalka.

Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Holland ee magaceeda loo soo gaabiyo SFON C/qaadir Cali Nuune, oo munaasabada ka hadlay ayaa ugu horreeyn u mahadceliyay dhalinyaradii munaasabada quruxda badan soo qabanqaabisay, isaga oo ku tilmaamay Jaaliyada reer Zwolle in ay tahay mid qadiimi ah, nasiib-na u yeelatay in ay noqoto mid ka mid ah Jaaliyadaha ay ku middeysan yihiin Soomaalida ugu badan.

“Baahida aan u qabno Dowladnimada waxaa ka xoog badan baahida aan u qabno wacyigelin xooggan & ummada damiirkeedu dhintay la da’deeyo” Ayuu yiri C/qaadir Cali Nuune, wuxuuna intaasi ku daray in Qaran-jabka ku dhacay ummadda Soomaaliyeed in aysan ku weyn nidaamkii Dowliga ahaa keliya ee ay sidoo kale uu ka lumay hankii & Soomaalinimadii.

“1-da Luuliyo waxeey xambaarsan tahay 2 munaasabadood oo qiimo badan. Waa midowgii & israacii Waqooyi & Koofur & xornimo qaadashadii Koofur, halkaas oo ay ka dhalatay Jamhuuriyadii Soomaaliya” Ayuu yiri Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida SFON.

C/qaadir Nuune, wuxuu sheegay in dhalinyarada ku garaadsaday burburka & qaran-jabka in ay lagama maarmaan tahay in ay bartaan taariikhda dalkooda, Soomaaliya Insha ALLAAH waqti aan dheereyn waxeey soo ceshan doontaa qiyamkii & karaamadii ay dunidda ku laheyd.

“Soomaaliya in ay gumeysi ka xorrowdo oo ay qaran buuxa noqotay dad baa naftooda u hibeeyay, dad baa dhaliyay xornimada & sharaftii Dowladnimo oo ay Soomaalidu in muddo ku soo caana-maaleysay jiilashada ku dhashay qurbaha & kuwa ku soo koray qaran-jabkii nagu dhacay waa in la baraa curashadii Dowladnimada” Ayuu yiri C/qaadir Nuune, wuxuuna u

Cabdi Cali oo munaasabada ka hadlay ayaa ku booriyay dhalinyarada in ay bartaan taariikhda dalkooda bartaan, isaga oo dhinaca kale na u mahadceliyay Jaaliyada Zwolle & Guddoomiye C/qaadir Nuune oo uu ku tilmaamay shaqsi waqtigiisa, hantidiisa & aqoontiisa u huro dadka Soomaalida.

“Waxaan hambalyo u dirayaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan 64 sanno guuradii ka soo wareegtay markii ay Soomaaliya midowday” Ayuu yiri Cabdi Cali

Maxamed Weli oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed, ayaa dhinaciisa ka taariikheeyay marxaladihii uu soo maray halgankii gobonimo doonka ahaa, wuxuuna ka codsaday dadkii munaasabada ka soo qeybgalay in faataxa loo akhriyo.

Col. C/llaahi Ciise oo ka mid ahaa saraakiishii Soomaaliya, oo kelmado koobban ka jeediyay munaasabada ayaa sheegay in Soomaaliya ay aheyd dal karaamo, taariikh & magac ku leh dunidda, wuxuuna sheegay in ay waqti aan fogeyn Soomaaliya soo ceshan doonto heybadaas.

Munaasabaddaas ayaa ku soo gabagabowday si qurux badan.

 

Related posts

Dad ay waxyeelo kasoo gaartay Kaluun oo ay cuneen oo la dhigay Isbitaalo kuyaala

Cabdi Cade

Qorshe hawleedyada guddiyada Golaha Aqalka Sare oo la ansixiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Fanaan caan ka ahaa Wadamada Carabta iyo Somalia oo geeriyooday isagoo 82 jir ahaa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---