Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa saakay safar deg deg ah ku tagay magaalada Muqdisho, kaddib markii ay u yeereen madaxda safaaradda dowladda Mareylkanka ku leedahay Muqdisho.
Sida aan xogta ku helnay Madaxweyne Qoorqoor ayaa markii uu ka degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde la sheegay in uu usii gudbay xarunta Xalane oo ku taallo safaarada Mareykanka, halkaas uu kula kulmayo saraakiil katirsan safaaradda dowkadda Mareykanka.
Dowladda Mareykanka ayaa wararku sheegayaan in Madxaweyne Qoorqoor wax ka weediinayaan hubkii tirada badnaa ee lasoo galiyay deegaanno katirsan Galmudug, gaar ahaan hubkii ay shacabka degmada Caabudwaaq la wareegeen.
Mareykanka ayaa la sheegay in uu aad uga xumaaday hubka sida sharcidarada ah lagu soo galiyay gudaha Soomaaliya, waxa ay sidoo kale kasii xumaadeen in hubkaasi si fudud uu gacanta ugu galay dad shacab ah oo colaado qabiil ku furan yihiin.
Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale la kulmi doono Madxada sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaa uu iyana kala hadli doono xaalada hubkii lasoo galiyay Galmudug, cidda iska leh iyo sida loo soo celin karo hubka shacabka gacanta u galay.
Hubka shacabka degmada Caabudwaaq gacanta u galay ayaan la shaacin ilaa hadda cid iska laheyd, dowladda Soomaaliya ayaana sheegtay in hubkaasi ciidankooda gacanta kusoo dhigeen , balse maleeshiyaad hubeysan ciidanka jidka u galeen lana wareegeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com