Allbanaadir.com
NEWS

Xeer Ilaalinta Somaliland oo dalbatay in Xasaannada laga qaado Xildhibaan Abiib

Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland ayaa golaha wakiillada ka dalbaday in ay xasaanadda ka qaadaan xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland.

Xeer ilaalinta ayaa xildhibaanka u heysata eedaymo ay ku jirto in mas’uuliyiinta ka safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti uu la kulmay iyo in arrimaha ciidamada Somaliland uu ka hadlay.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamanka Somaliland Cali Xaamud Jibriil, ayaa xaqiijiyey inay soo gaartay warqadda xeer ilaalinta uga timid ee lagu dalbaday in xasaanadda laga xayuubiyo xildhibaankaas, si loo maxkamadeeyo.

Dhinaca kale xildhibaan Maxamed Abiib weli kama hadlin dacwadda ay u haystaan xeer ilaalinta Somaliland lagu dalbanayo in xasaanadda laga qaado islamarkaana maxkamad loo gudbiyo kiiskiisa.

 

Related posts

Dowlada Federaalka oo kahor timid mudo kororsiga Madaxda Galmudug Shaacana ka qaaday xiliga…

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo Kismaayo kula kulmay Gen. Townsend & danjire Yamamoto (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamo badan oo saakay lagu soo daadiyay Wadooyinka Muqdisho iyo Cabsi laga qabo in …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---