Allbanaadir.com
NEWS

Diidiinka Dunidda ugu weyn xilligan iyo Da’da uu jiro !

Dalka Seychelles, waxaa kunool Diidiin loo aqoonsaday in uu yahay kan ugu weyn xilligan kuwa caalamka daafihiisa kale kunool, waxaana Diidiinkan todobaadkan loo dhigayaa munaasabad weyn oo lagu xusayo dhalashadiisa 191-aad .

Diidiinkan ayaana loo diiwaangaliyay in uu yahay kan dunidda ugu da’da weyn, waxaana la qiyaasaa in Diinkan uu dhashay sannadkii 1832-dii, inta uu noolaa Diidiinkan waxaa dalka Mareykanka isku beddelay 40-Madaxweyne .

Warbaahinta caalamka ayaa ku warrameysa in Diidiinkan oo lagu magacaabo Jonathan uu yahay midka ugu weyn caalamka, waxa ayna sheegeen in hadda Diidiinkan uu tabar ahaan iyo caafimaad ahaanba uu is beddelay uuna u muuqanayo mid sii gaboobaya.

Diidiinkan ayaa la sheegay in gacanta lagu quudiyo inta badan lana siiyo qudaar iyo cows, waxaa sidoo kale la siiyaa daawooyin vitimiino ah si uu uga helo awood dheeraad ah, waxaana loola socdaa xaaladiisa si gaar ah , sida ay watbaahinta caalamka baahinayaan.

Guri boqortooyo oo ku yaalla dalka Nigeria ayaa sannadkii 2019-kii shaaca ka qaaday in Diin ku noolaa halkaas uu ku dhintay da’da 344, Diinkan oo la oran jiray Alagba oo micnaheedu yahay ‘Kii da’da weynaa’ wuxuu ku noola guriga boqortooyada ee Ogbomoso ee gobolka Oyo ee waddankaasi Nageria.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Muuse Biixi oo la kulmay Hoggaanka xisbiyada Waddani iyo Kulmiye

Cabdi Cade

Tirada khasaaraha Dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay rabshadaha Laascaanood oo la Shaaciyay

Cabdi Cade

Kenya oo shaacisay iney wafdi culus u direyso caleemo saarka Axmed Madoobe

Caydiid Ali