Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa maanta isbitaalka ku booqday askar shalay ku dhaawacantay dagaal dagaal ciidanka xoogga kula galeen Al Shabaab deegaanka Waniille ee gobalka Galgaduud.
Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada difaaca deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa shalay dagaal ay cashir ugu dhigeen la galay Al Shabaab, waxaana dagaalkaasi looga dilay kooxda Al Shabaab saraakiil iyo askar badan.
Taliyaha XDS ayaa askarta dhaawaca ah ee la keenay Muqdisho caafimaad qab buuxda u rajeeyay , waxa uuna dhaqaatiirta kula dardaarmay inay askarta ku bixiyaan dadaal dheeraad ah, sidoo kale waxaa uu alle uga baryay in Jannatul firdowsa uu ka waraabiyo geesiyaashii ku shahiiday howlgalkaas.
Dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Waniile ee dhaca inta u dhaxeysa Masagaway iyo Ceeldheer ayaa lagu dilay in ka badan 50-dagaallame oo katirsan Al Shabaab sida dowladda sheegtay, waxaana dagaalkaasi sidoo kale ciidanka xoogga dalka kasoo gaaray khasaaro ka yar kan Al Shabaab la gaarsiiyay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com