Shirkadda Uganda Air oo ah shirkad ay leeyihiin ganacsato Soomaali iyo Ugandes ayaa shaacisay iney bilaabeyso duulimaad toos ah oo isku xiraya magaalooyinka Muqdisho iyo Entebbe
Dadka u kala goosha labada magaalo ayaa sii mari jiray transit ahaan magaalada Nairobi taasoo dhibaato badan lagala kulmi jiray, iyadoo dhowaan garoonka Jomo Kenyatta lagu xanibay boqolaal Soomaali ah oo viisooyin sax ah watay.
“Shirkadda Uganda Air ayaa bilaabeysa duulimaad toos ah oo isku xiraya Muqdisho iyo Kambala si meesha looga saaro dhibaatooyinkii laga mari jiray transitka Nairobi” ayuu yiri masuul ka tirsan shirkaddan.
Duulimaadyadan ayey shirkaddu sheegtay iney bilaaban doonaan 16ka bishan Novembar, iyadoo faahfaahinta iyo qiimaha tikidhada la soo bandhigayo 11-ka isla bishan.
“Shirkadda PRIME TRAVEL AGENCY oo Xarunteedu tahay Magaalada Kambaala e dalka Uganda waxay u balan-qaadeysaa macaasmiisheeda, soo dhoweyn sare, qiime macquul ah, adeeg hufan iyo safar raaxo leh” ayuu yiri masuul ka tirsan maamulka shirkadda PRIME TRAVEL AGENCY.
Wixii faahfaahin ah kala soo xariir xafiiska PRIME TRAVEL oo ku yaalla gudaha Hotel Al Qudus Ama tell: 0792300020 ama 0790866666
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com