Allbanaadir.com
NEWS

William Ruto oo shaaciyay cida maalgalineysa dibadbaxyada

Dalka Kenya qeybo kamid ah waxaa maanta ka socda dibadbaxyo ka dhan ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne William Ruto , waxaana meelaha ay ka socdaan dibadbaxyada qaarkood laga soo sheegayaa in ay ka dhaceen rabshado.

Madaxweynaha Kenya William Ruto, ayaa shaaciyay in dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladiisa ay dhigayaan dhallinyarada in ay maalgalinayaan hay’ad fadhigeeda yahay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo  Ford Foundation .

“Waxaan rabaa inaan weydiiyo dadka Ford Foundation deeqaha ay bixiyaan si ay u maalgeliyaan fowdada dalka Kenya, Maxaa faa’iido ah oo ay ka helayaan ?” ayuu yiri Madaxweyne Ruto xilli uu khudbad ka jeedinayay dibadbax dibadbax nabadeed oo ka dhacay Nakuru.

Dibadbaxyada rabshadaha dhaliyay ee looga soo horjeedo dowladda Madaxweyne Ruto ayaa ka dhashay canshuur kordhin dowladda sameysay, waxaana arrintaasi kahor yimid dhalinyaradda oo Madaxweynaha ku qasbay in uu ka laabto sharcigii canshuur kordhinta sidoo kale kala diro xukuumadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo shaacisay in la dilay labo kamid ah Madaxda sare ee Al Shabaab

Cabdi Cade

Galmudug oo War kasoo saartay howlgal Al Shabaab looga qabsaday deegaan Muhiim ah

Cabdi Cade

Weriye caan ka ah wadanka Kenya oo shaaciyey inuu iibinayo mid ka mid ah labadiisa Kiliyood

Caydiid Ali