Allbanaadir.com
NEWS

Xasan iyo Xamse oo laga dalbaday in caddeeyaan hubkii shacabka la wareegeen

Hub tiro badan oon ilaa hadda la ogeyn cidda iska laheyd iyo ujeedka dalka loo soo galiyay ayaa shalay gacanta u galay maleeshiyaad kasoo jeeda degmada Caabudwaaq, waxaana hubkan oo la rumeysan yahay in uu ka yimid dhinaca dalka Itoobiya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa  Madaxweynaha Soomaaliya  iyo Ra’iisul Wasaaraha  ka dalbaday  in ay shacabka Soomaaliyeed u caddeeyaan waxa sababay in hub baaxadaas leh uu galo gacan shacab .

”Laga aqbali mayo Xukuumaddu in ay ka dhuumato fashilka masuuliyaddeeda ee xajmigaas leh. Tani waa natiijo la filan karayey, haddiiba hannaankii iyo hay’adihii dowladnimo ee heer Gobol iyo Federaal laga weecday, beddelkeedana la doorbiday wado qardajeex ah, macaamil shakhsi ah, iyo marin tahriib” ayuu yiri xildhibaanka.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in Soomaaliya laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarnaa, waxa uuna isweediiyay Itoobiya iyo Soomaaliya oo xilligan xiriir uusan ka dhaxeyn sababta hub intaasi la eg looga soo tahriibiyo loona soo galiyo dalka.

”Soomaaliya waa laga qaaday cunaqabatayntii hubka, mana jirin xiriir nagala dhexeeya Itoobiya, mana dhici karto sabab hub looga soo tahriibiyo. Halkii uu hub u gacan galo shacab, waxaa halis gala nabadda iyo xasiloonida” ayuu yiri CC Warsame.

Xildhibaanka ayaana ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu kala daayo dawladnimada iyo dhaqanka la isku milayo, damaca siyaasada, danaysiga shakhsiga ah iyo macaashka dalaalnimada.

Ugu dambeyn xildhibaanka ayaa sheegay in baarlamaanka indhaha kama sii qabsan karin fashilka iyo foolxumada lagu wajahayo arrimaha difaaca iyo la dagaallanka argagexisada, waxa uuna ku baaqay  in guddi madax-bannaan loo saaro baaritaanka dhacdadaan, lana caddeeyo cidda qaadaysa masuuliyadda wixii dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan Xaaskiisa ugu Hanjabay in uu Furayo Kadib markii ay ku biirtay Xisbi kale !(Sawiro)

Cabdi Cade

Weerar Khasaaro geestay oo ka dhacay magaalo kutaala dalka Holland (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Iran oo Farriin hanjabaad cabsi galin ah u dirtay Boqortooyada Sacuudiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---