Allbanaadir.com
NEWS

Ninka ugu taajirsan Afrika oo sjaaciyay hadal dad badan layaabeen

Dad badan ayey layaab ku noqotay hadal uu sheegay ninka ugu taajirsan qaarada Afrika Aliko Dangote, kaddib markii uu ninkan shaaciyay in kaliya labo guri kaliya uu leeyahay, kuwaas oo ku kala yaalla magaalooyinka Kanu iyo Lagos ee dalka Nageria.

Aliko Dangote, ayaa sheegay in kaliya gudaha dalkiisa iyo guud ahaan caalamka uu ku leeyahay labada guri uu ku yaalla magaalada uu ku dhashay ee Kano iyo Lagos, waxa uuna xusay marka uu tago caasimadda Nageria in uu dego guri kiro ah.

Ninkan oo lagu tilmaamay in uu yahay kan ugu lacagta badan qaarada Afrika ayaa dad badan filayeen in qasriyo waa weyn ku leeyahay gudaha dalkiisa iyo waddamo kale ee caalamka, hasa ahaatee dad badan ayaa aad ula yaabay hadalkan uu hadda shaaciyay.

Maalqabeennada u dhashay dalka Nageria ayaa caan ku ah in guryo waa weyn ka dhistaan magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi, iyo sidoo kale magaalooyinka London Dubai, Atlanta iyo dalal kale oo caalamka daafihiisa kuyaalla.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Wiil Soomaali ah noqday qofkii ugu da’da yaraa ee ka qaata shahaadada PhD-ga jaamacad ku taala dalka…

Cabdi Cade

Dilkii Ikraan Tahliil Wax badan ka ogoow & Eeda Fahad Yaasin ee Mahad Salad , Rooble , Al-cadalaa !!

admin

Yaa qaadanaya Masuuliyada Gubashada Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---