Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa gudaha dalkaas ku dilay muwaadin Soomaaliyeed, sidoo kalena boobay Goobo Ganacsi.
Kooxaha Burcadda ah ayaa weeraray Goobo Ganacsi oo ku yaalla Xaafadda New Brighton Ee hoostagta magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika, iyagoo dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaaabi jiray Guuleed, halka ay boobeen goobtii ganacsi oo uu shaqaale ka ahaa.
Kooxaha burcadda ah ayaa waxaa si dirqi ah kaga badbaaday Milkiilaha Goobta Ganacsi, iyagoo Gaadiid ay xoog ku soo wateen ayey ku rarteen alaabtii taallay.
Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay goobta uu weerarka ka dhacay, kuwaasoo sameeyay howlgallo baaritaano ah inkastoo aysan gacanta ku dhigin kooxihii burcadda ahaa.
Sanadihii la soo dhaafay dilalka Soomaalida iyo ajaaniibta kale ayaa caadi ka ahaa dalka Koonfur Afrika, iyagoo sidoo kale laga boobay hanti fara badan.