Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal lagu dilay 60 xubnood oo ka dhacay Galgaduud

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan bariga Galgaduud ayaa galabta weerar qorsheysan ku qaaaday inta u dhaxeysa degaanka Cows-weyne iyo Mesagawaay   ee gobalka galgaduud.

Waxaa goobahaas ku sugnaa xubno ka tirsanaa Al shabaab oo halkaas isku urursanayey

“In ka badan 60 maleeshiyaad Khawaarijta ah ayaa lagu dilay dagaal galab gala ah oo lagu qaaday maleeshiya isku Soo dhurayay  inta u dhexeysa degaanka Cows-weyne iyo Masagaway oo ah keyn xoola daaqeen ah” ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska ciidanka

Taliyaha ciidanka Dhulka Xds Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa u xaqiijiyay tira kor u dhaafeysa  lixdameeyo Al shabaab laga dilay galabta, ayna ciidanku guula wax ku ool ah ka gaareen dagaalka maanta ee ka dhacay inta u dhaxeysa Cows-weyne iyo Masagawaay.

Xoogaga al shabaab oo laga fara maroojiyey inta badan degmooyinka iyo degaanada Galgaduud ayaa ku weli jooga keymo iyo tuulooyin yar yar oo ku yaalla gobolkaas, iyagoo isku dayaya iney dib u isku abaabulaan.

 

Related posts

Ciidanka Kumaandooska Somalia oo bur buriyay Saldhig Al Shabaab lahaayeen (Daawo Sawirro)

admin

Maxaa ka dhalan kara xilka ka qaadista Farmaajo la damacsan yahay Col. Shuute?

Caydiid Ali

Xamaas oo mar kale gantaalo ku weerartay Tel-aviv

Caydiid Ali
Taboola Ads ---