Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah oo saaka waaberigii hore lagu qaaday xarun uu Koofurta magaalada Gaalkacyo ka degenaa Wadaad caan ka ahaa magaalada Gaalkacyo, kaasoo lagu magacaabi jiray Sheekh C/weli Cali Cilmi Yare.
Qaraxyo ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari ayaa lagu weeraray xarunta wadaadka, iyadoo qaraxa kaddib ay xarunta gudaha u galeen dabley hubeysan.
Wararka ayaa sheegaya in weerarka lagu dilay Sheekh C/Weli Cali Cilmi Yare, Xaaskiisa iyo 13 kale oo xertiisa ka mid aheyd.
Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa.
Sababta ay u beegsadeen waxay ku sheegeen inuu af lagaadeeyay nabi Maxamed NNKH horey ayay Alshabaab digniin ugu dirty wadaadka sida ay sheegtay kooxdu.
Sheikh ayaa masuul ka ahaa xarun uu isugu keenay dhallinyaro, halkaasi oo uu ka soo saari jiray Heeso iyo Nabi ammaanno muran dhaliyey.
Sheekh oo horay warbaahinta ula hadlay waxaa uu ku adkeystay in wax walba oo saliga Nabiga lagu qurxinayo ay banaan yihiin.
Waxaa warbixintan Gabolka Mudug ka soo diray weriye: Cabdi Xasan Axmed
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com