Weerarkii ka dhacay xabsiga dhaxe ee Xamar maalintii Sabtida ayaa lagu dilay askar katirsaneyd ciidanka asluubta Soomaaliya, waxaana askaraasi la dilay kamid ahaa furahayayihii xabsiga dhaxe oo ka biyo diiday in furaha diiyo kooxdii weerarka fulisay .
Dable Xasan Xuseen Raage ayaa la sheegay in kooxdii weerarka geesatay ee maxaabiista katirsaneyd kahor inta aysan dilin ku amreen in furayaasha xabsiga ku wareejiyo, hasa ahaatee askarigaan ayaa furyaasha u diiday in uu siiyo waxa uuna ka tuuray darbi dheer oo xabsiga ku yaallay.
Raggii hubeysnaa ee ku fashilmay qorshahoodii ahaa in furayaasha xabsiga helaan ayaa markaasi kaddib si arxandarro ah u toogtay askariga furaha hayaha ahaa, waxa ayna ragga weerarka geestay ku fashilmeen in xabsiga ka basadaan.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa sheegay in furahayihii xabsiga dhaxe ee la dilay uu sameeyay naf hurnimo, waxa uuna xusay in uu iska diiday in cadawga ku wareejiyo furaha kana doortay in la dilo.
Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan ayaa sheegay in taalo geesunimo a loo dhisayo dable Xasan Xuseen Raage oo geesinnimo iyo naf hurnimo sameeyay, waxa uu sidoo kale ballanqaaday in isaga oo dhintay darajadiisa la dallacsiin doono.
Warar horey usoo baxay ayaa sheegayay in askarigan hadda markii uu dhintay taalada loo dhisayo lana dallacsiinayo dhawaan laga reebay liiska askar katirsaneyd ciidanka asluubta Soomaaliyeed oo la dallacsiinayay, waxaana la sheegay in liiska looga reebay qabyaalad iyo nin jecleysi darteed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com