Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa xalay lagu weeraray maqaayad ku taalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
War kasoo baxay taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in qaraxa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxa ayna booliiska sheegeen in goobta la qarxiyay buuxeen dhallinyaro shacab ah oo halkaasi ku caweeneysay.
Boo;iiska warka kasoo baxay ayaa lagu shaaciyay in tirada dadka ku dhintay qaraxa ay gaarayaan ilaa shan qof, waxa ayna intaa ku dareen in qaraxa ku dhaawacmeen dad kale oo gaaraya 20-qof oo qaarkood dhaawacyo culus qabaan.
Waxa ay sheegeen booliiska in wali ay wadaan tirokoobka kjhasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxii xalay, waxaana loo badinayaa in khasaaraha booliiska shaaciyeen ee dhimashada iyo dhaawaca ay intaasi ka badan yihiin.
Maqaayada xalay la qarxiyay ee lagu magacaabo Top Coffee ayaa xilliga qaraxa dhacayay gudaheeda waxaa ka sccday daawadashada ciyaartii fiinalka ee u dhaxeyay Spain iyo England, waxaa sidoo kale maqaayada horteeda xilliga qaraxa dhacayay fadhiyay dad shacab ah, halka dad kalana ay laamiga marayeen xilligaasi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com