Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya oo War cusub ka soo saartay damaceeda badda Somalia

Musa Shehu oo ah Sarkaal sare oo katirsan Xaafiiska RW Itoobiya, gaar ahaana qeybta xariirka warbaahinta ayaa u sheegay warbaahinta AWP (Arab World Press), in safarka Abiy ee Port Sudan uu ku tagay dhawaan uu ahaa mid ay kaga shaqeynayaan sidii ay Sudan u wada sugi lahaayeen amniga xadka ay la wadaagaan, si ay ugu dhabeeyaan damacooda Badda ee kuwajahan Soomaaliya.

Shehu ayaa sheegay inay u deg degayaan sidii ay u dhameyn lahaayeen xurgufaha xaduudaha ay la wadaagaan Sudan, inta aysan ku dhawaaqin heshiis rasmi ah oo loo bedelayo Is afgaradkii ay lagaleen Somaliland.

Heshiiskaas ayuu yoolkiisu ahaa in badda Soomaaliya ay ka helaan 20km oo ay saldhig ciidan ka dhigtaan iyo Albaab badeed.

Dhinaca kale, saacadihii la soo dhaafay waxaa jiray in xubno sare oo ka tirsan dhinacyada Hargeysa & Addis Ababa oo yeeshay labo is arag, oo ay uga wada hadlayaan arrinta Is afgaradka, waxaana  jira xubno sare oo Itoobiya kasocda oo Hargeysa tagaya todobaadkan.

 

Related posts

Xildhibaan goor dhow lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

(Sawirro) Rooble oo xariga ka jaray Mashruuc cusub oo laga hirgeliyey degmada Balcad

Caydiid Ali

Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida oo loogu baaqay in shaqada ka tago iyo hal arin oo sabab u ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---