Allbanaadir.com
NEWS

Ex-Wasiir Islow oo jawaab culus siiyey Cabdisaciid

Wasiirkii hore amniga Gudaha Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado fariimaha dhiirri gelinta u ah kooxaha argagaxisada ah.

Hadalka Ducaale ayaa u muuqda jawaab u ah hadal dhowaan ka soo yeeray Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda Somalia ahna la talyihii amniga dowladii Farmaajo Cabdi saciid Muuse Cali oo ku baaqay in Al shabaab xukunka lagu wareejiyo si ay ula dagaalanto Itoobiya isagoo dowlada Madaxweyne Xassan Shiikh ku dhaliilay iney ka gaabisay wax ka qabashada damaca badda ee Itoobiya.

“Walaalayaalow waa in ay noo kala soocnaato naceybka mas’uulka xilka haya iyo Qaranimada, micnaha adigoo Madaxweynaha ama Ra’iisal wasaaraha ku xumeynaya, yeysan mucaaradnimadu kula gelin in aad caddowga Khawaarijta la safato adigoo is leh dowladda joogta ku ceebeey,  Qaranadimada ha dhaafsan inuu dal caddow ah qorshihiisa kuu soo dhiibo” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa kula taliyay dadka diraya farriimaha dhiiri gelinta u ah Al shabaab in ay jiraan waddooyin kale oo qofka ku sheegi karo aragtidiisa.

“Waxaa jira wax badan oo aad ku mucaaradi karto madaxda dowladda oo aan ahayn in aan cadowga umaddan isu dhiibno, Xildhibaannada waxaan ugu naseexeynayaa in aan ku dhex shaqeynayno sharciyadda Baarlamaanka, dowladnimada ayaa ka weyn dan kasta oo gaar ah” ayuu Mudane Ducaale ku soo gabagabeeyey qoraalkiisa.

 

Related posts

Somalia oo cambaareysay weerarada Yuhuudu ku heyso shacabka reer Falastiin

Caydiid Ali

Xildhibaano ku dhax dagaallamay Golaha Wakiillada Somaliland

Cabdi Cade

Biden oo ka hor yimid arrin Israel ka damacsan tahay Iran

Caydiid Ali
Taboola Ads ---