Allbanaadir.com
NEWS

Qaraxyo Al Shabaab diyaariyeen oo la fashiliyay (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee ka howlgalaya bariga gobolka Galgaduud, ayaa fashiliyay qaraxyo miino oo ay diyaariyeen kooxda Al Shabaab , qaraxyadaasi ayaana la doonayay in waxyeelo loogu geesto ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Qaraxyo miino oo kooxda Al Shabaab ku aaseen waddooyin xiriiriya deegaanada Mesagawaay iyo Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud, ayey ciidamada ku guuleesteen in ay fashiliyaan ayna goobihii lagu aasay kasoo saaraan moonooyinkaasi.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee hoggaaminayay howlgalka miinooyinkan lagu soo saaray ayaa sheegay in ay fashiliyeen dhagartii ay kooxda Al Shabaab la maaganaayeen ciidanka xoogga iyo waliba dadka deegaanka.

Al Shabaab ayaana inta badan miinooyin ku aasa waddooyinka ay isticmaalaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka, waxa ay sidoo kale kooxdan miinooyin ku aasaan waddooyinka soo gala qaarkood deegaannada ay joogaan , si aan fudeed loogu soo gaarin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Xamse oo ka hadlay qodobada ay diirada saari doonto Xukuumadiisa

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay Mas’uuliyiinta Bankiga Adduunka (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo Bogaadiyay Shaqada ay hayaan Wasiirro uu la kulmay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---