Allbanaadir.com
NEWS

UNSOM oo Puntland u qoondeysay Miisaaniyad dhan $120 milyan

Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa sannadkan miisaaniyad dhan $120 milyan u qoondeeyay arrimaha gargaarka iyo horumarinta degaannada uu kataliyo  maamulka Puntland .

Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM ayaa sheegay in miisaaniyad dhan $120 milyan sannadkan loo qoondeeyay arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta Puntland.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa lagu sheegay in barnaamijkaasi ay hoggaaminayaan 14 hay’adood oo ka tirsan Qaramada Midoobey, kuwaasi oo ka hawlgala Puntland.

Miisaaniyaddan ayaa loo qorsheeyay hawlaha bini’aadamnimada, horumarinta, nabad-dhisidda, dib-u-habeynta waaxda amniga iyo dimuqraadiyeynta, sida uu tilmaamay qoraalka ka soo baxay xafiiska UNSOM.

Qoraalka ayaa sidoo kale looga warbixiyay kulankii shalay magaalada Garoowe ku dhexmaray madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

“Qaramada Midoobey waxaa ka go’an in ay si dhow ula shaqeyso Madaxweyne Deni iyo dowladdiisa si ay gacan uga geysato horumar-gaarsiinta dadka reer Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya” ayuu qoraalku ka soo xigtay James Swan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

“Maxaa keenay in cadowgu tab isku mid ah uu maalin walba ku laayo ciidankeenna”

Caydiid Ali

Daawo Muuqaal “Daraasad laga sameeyay dadka iyo dalka Soomaaliyeed iyo ra’iisul wasaare khayre oo ka jawaabay daraasada la sameeyay!!

admin

Madaxweyne Farmaajo oo caawa xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---