Allbanaadir.com
NEWS

Nin Muqdisho ku dilay Xaaskiisi hore iyo Hooyadeed

Waxaa xalay xaafad katirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ka dhacay fal dad badan ka argagaxeen, kaddib markii nin la sheegay in uu ahaa askari uu dil u geestay xaas ay horey u kala tageen iyo sidoo kale hooyadeed, kaddib markii uu ku weeraray gurigooda.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in ninkan oo qoray ku hubeysnaa uu yimid guriga ay degneed xaaskiisi hore oo la sheegay in maalmo kahoe la aroosay, waxa uuna halkaasi ku dilay xaaskii ay kala tageen oo magaciisa lagu sheegay Nasteexo Nuur Dable iyo hooyadeed Muslimo Macalin.

Askariga dilka geestay ayaana la sheegay in goobta isaga baxsaday kaddib markii uu dilay xaaskiisi hore iyo hooyadeed, waxaana socda howlgallo ay ciidamada ammaanka ku baadigoobayaan ninkan gacankudhiiglaha ah ee geestay dilka laga argagaxay.

Qof ehel la ah qoyska dhibaatada soo gaaray ayaa sheegtay in ninkan xaaskiisi hore ay kala tageen marar badan ka codsaday in ay isku laabtaan balse ay ka diiday, waxa ayna intaa ku dartay in horey ugu hanjabi jiray una sheegi jiray in uu dilayo, taas oo ugu dambeyn xalay dhacday.

Falalka dilka ah ee salka ku haya maseerka ayaa muddooyinkan kusoo badanaya magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka, waxaana bilooyin kahor sidan oo kale rag maseersan u dileen xaasas ay horey u kala tageen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Golaha Wasiirada KG oo kulankoodii ugu horeeyey kaga hadlay qodobo xasaasi ah

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday gudaha Kenya kuna gubtay Gaadiid iyo Anteeno

Cabdi Cade

Wararkii Ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii ruxay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---