Taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in caawa lasoo xiray Faadumo Qaasin Maxamed oo loo yaqaano (Faadumo Kaftan) taasoo ka mid ah haweenka baraha bulshada caanka ka ah
Qoraal kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in gabadhaan ay ku eedeysan tahay in ay ku kacday falal anshax-darro ah oo liddi ku ah diinteena suuban iyo dhaqanka wanaagsan ee umadda Soomaaliyeed.
“Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir ayaa soo xiray eedeysane Fadumo Qaasim Maxamed(Faadumo Kaftan 24 jir ah, kuna eedeysan in ay ku kacday falal Anshax-daro ah oo liddi ku ah diinteena suuban iyo dhaqanka wanaagsan” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.
Booliska Soomaaliya ayaa horay u xiray dhalinyaro badan oo ku eedeysan inay baraha bulshada ku soo gudbinayeen muuqaalo anshax darro ah, kuwaas oo maxkamadeyntoodu ka socoto magaalada Muqdisho.