Allbanaadir.com
NEWS

Xamaas oo si adag u beenisay War ka soo baxay Israel

Xamaas, ayaa war saxaafadeed rasmi ah ku beenisay duulaanka Israa’iil ee koonfurta Qasa in lagu beegsaday hoggaamiyayaal sare oo ka tirsan Xamaas oo uu ka mid yahay  Maxamed Deyf iyo taliyaha guutada Khan Yonis.

Arrintan ayaa timid kaddib markii Israa’iil ay baahisay in bartilmaameedku ahaa hoggaanka sare ee Qasaam, iyadoo war saaxafadeedka Xamaas lagu sheegay in sheegashada beenta ah lagu qarinayo xasuuqa ay geysatay Israa’iil ee ka dhacay aag ay horey ugu sheegeen ciidanka Israa’iil goob nabdoon oo ay dadku u barakaceen.

Duulaanka Israa’iil oo ka dhacay inta u dhaxaysa Al-Mawasi iyo Khan Yonis, waxaa lagu dilay 71 qof oo ay ku jiraan carruur iyo in ka badan 289 qof oo ku dhaawacantay.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo xiganaysa sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ay sheegtay inaysan jirin wax weerar ah oo lala beegsaday goob ay ku suganaayeen hoggaamiyayaasha sare ee kooxda, iyadoo warbixinta ay sheegtay in dhammaan dadka weerarka lagu dilay ay ahaayeen rayid ay ku jireen carruur iyo haween.

Related posts

Dowlad xabsi daa’in ku xukuntay wiil yar oo labo sano jir ah (Sabab yaab leh)

Caydiid Ali

Daawo: Sidee Saciid Deni iyo Axmed Madoobe uga guuleysteen Madaxweyne Farmaajo?

Caydiid Ali

Wasiir katirsan Somaliland oo dhagxaan lagu weeraray xilli uu aas ka qeyb galayay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---