Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta weerar culus ku qaaday dagaalyahano ka tirsan Al shabaab oo soo gashay deegaanka Beerayabaal oo hoos taga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.
Ugu yaraan 10 dagaalyahan ayaa Al shabaab looga dilay dagaalkii maanta ka dhacay Beerayabaal, waxaana la soo werinayaa in khasaaraha gaaray argagixisada uu intaas ka sii badan yahay sida ay sheegeen ciidanka dowlada
Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ayaa in deegaankaas ay ka saareen Al shabaab ka soo gudubtay Wabiga, kadib markii dadka deegaanka oo helay xogtaas ay la soo xiriireen Taliska qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Wararka ayaa sheegaya in Al shabaabka ka soo gudbay webiga qaarkood ay ku hafteen webiga markii la burburiyey doontii ay wateen, halka qaar kale meydadkooda ay yaalaan agagaarka jiinka webiga.
Al shabaab ayaa weli isku dayaya iney soo galaan bariga gobolka Hiiraan oo sanadkii hore looga saaray kacdoon ay sameeyeen beelaha degaanka oo kaashanaya ciidamada xoogga dalka.