Allbanaadir.com
NEWS

Masuuliyiin markii ugu horreysay ku safray waddo isku xirta Kismayo iyo Afmadow

Gudoomiyaha degmada Afmadow ee gobolka Jubada hoose iyo wafdi uu hogaminayo oo Kismaayo ka anba baxay islamarkaana ku socdaalayay wadad dheer ee xiriirisa Kismaayo iyo Afmadow oo todobaadkan ay isku fureen Ciidamada Dowladda Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ayaa goor dhow gaaray degmada Afmadow ee gobolka Jubada hoose.

Gudoomiyaha degmad Afmadow mudane Maxamed miin ayaa intii uu kujiray socdaalka taarikhiga ah waxa uu sii maray deegaanadii dhawaan laga xoreeyay kooxaha nabadiidka ah ee Argagixisada ,isagoo kulamo kala duwan la qaatay saraakiisha hogaaminaysa howlgalka ay geesiyaashu cashirka ugu dhigayaan maleeshiyaadka Xagjirka ah.

Mahad Maxamed Islaam Talyaha Ciidamada Daraawiishta degmada Afmadow ayaa isna warbaahinta u sheegay in tani ay tahay guul weyn oo muujinaysa awoodda iyo kartida ciidamada Geesiyaasha ah ee Jubbaland.

Maxamed Amiin Gudoomiyaha degmada Afmadow ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya ay iska joojin doonaan socdaalka dhanka hawada islamarkaana ay noqon doonaan kuwo isticmaala wadada isku xiraysa Afmadow iyo Kismaayo.

Guul ka wayn majirto in mudo labo maalmod ah ay geesiyaasha Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka isku furan inta u dhaxaysa Afmadow iyo deegaanka Janaa Cabdalle islamarkaana ilaa hadda lagu dabo jiro firxadka kooxihii Argagixisada.

W/Q Sabriye Somali

Related posts

Go’aano Adag oo laga soo saaray Shirkii Taliyeyaasha AMISOM u socday (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

France u yeertay danjirihiisa Turkiga iyo xiisada labada dal cirka isku shareertay

Caydiid Ali

Farmaajo oo markii ugu horeysay sharaxaad ka bixiyey heshiiska dowladiisu la gashay Itoobiya (Daawo Video)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---