Allbanaadir.com
NEWS

Hindise Sharciyeed muhiim ah oo la horgeeyay Aqalka Sare

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo weheliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa shir guddoomiyay kulanka 1-aad ee Kalfadhiga shanaad Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.

Ajandaha ayaa ahaa akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka Hay’adda xisaabiyaasha Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare dulmar guud ugu sameeyay muhiimadda sharciga Hay’adda xisaabiyaasha Soomaaliyeed iyo sida dhismaha hay’addaasi ay dalka muhiim ugu tahay.

Intaas kadib Guddoomiye Cali Shacbaan oo kulanka shir guddoominayay ayaa faray guddiga Maaliyadda Aqalka Sare in ay la wareegaan sharcigaas, kana soo soo shaqeeyaan iyaga oo gudanaya waajibaadka ka saaran.

 

Related posts

DEG DEG: Raisul Wasaare Xamse oo Wasiiro cusub Magacaabay

Caydiid Ali

Ciidamadii shalay gadoodka ka sameeyey Muqdisho oo dhamaantood xabsi lagu guray

Caydiid Ali

Saraakiisha ciidankii diidanaa muddo kororsiga oo Sagaal qodob soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---