Allbanaadir.com
NEWS

Rasaas iyo qaraxyo laga maqlayo gudaha Xabsiga Dhaxe ee Muqdisho

Rasaas xooggan iyo qaraxyo ayaa laga maqlayaa gudaha xabsiga dhaxe ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi lasoo sheegayaa in ay ka dhax dagaallamayaan xubno katirsanaa kooxda Al Shabaab oo kamid ahaa maxaabiista xabsiga ku xirnaa.

Qarax ayaa la sheegay in markii hore laga maqlay gudaha xabsiga Dhaxe ee Xamar, waxaana qaraxa kaddib halkaasi ka bilowday rasaas , waxaana lasoo warinayaa in xabsiga hadda la geeyay diidamo xoojin ah kuwaa oo dagaal kula jira ragga hubeysan.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxyada iyo rasaasta ka socota gudaha xabsiga dhaxe ee Xamar, waxaana dad badan isweediinayaan sida maxaabiista xabsiga ku xirneed ku heleen hubka iyo qaraxyada ay ku dagaallmayaan.

Laamaha amniga dowladda Soomaaliya iyo taliska ciidanka asluubta ayaan wali ka hadlin xaalada ka taagan xabsiga dhaxe ee Xamar, mana ahan markii ugu horreysay ay gudaha xabsiga sidaan oo kale uga dhax dagaalamaan maxaabiis hub loogu geeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir sheegay in Madaxweyne Xaaf oo ku go’doonsan yahay magaalada Dhuuso Mareeb

Cabdi Cade

Magaalooyin kuyaala dalka Mareykanka oo Dab looga qaxayo (Daawo Sawirada)

admin

Dowladii labaad oo shaqada ka joojisay dayuurada Boeing 737 Max-8

Caydiid Ali
Taboola Ads ---