Allbanaadir.com
NEWS

Meydad badan oo laga helay xaafado katirsan magaalada Gaza

Ciidamada Yahuuda Isra’il ayaa duullaan culus oo dhaliyay khasaarooyin badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku qaaday xaafado katirsan magaalada Gaza, oo dhawaan dadkii dagnaa ay ku amreen in ay isaga barakacaan.

Ciidamada Isra’il ayaana xalay muddo isbuuc kaddib isaga baxay xaafado dhowr ah oo katirsan magaalada Gaza ay ka wadeen howlgallo xasuuq ah, waxa ayna ciidamada Isra’il kooxda Xamaas kala kulmeen iska caabin xooggan oo khasaarooyin lagu gaarsiiyay.

Xaafadaha Tel Al-xawaa iyo Sabta ee katirsan magaalada Gaza waxa ay saacado kaddib markii ciidamada Isra’il ka baxeen kooxaha gurmadka ay kasoo ururiyeen, meydadka ku dhawaad 60 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay dileen ciidamada Israa’iil ee weerarka ku qaaday xaafadahaasi.

Waxaa wali adag in xaafadahan ay ka baxeen ciidamada Isra’uil ay dadku kusoo laabtaan, kooxaha gurmadka ayaana sheegay in wali jiraan khataro ayna dadka meelo fog fog kasoo tooganayaan ciidamada Isra’il oo meel ka baxsan xaafadahaasi jooga.

Ciidamada Isra’il ayaa guulo ka sheegtay weerarka ay ku qaaday xaafadaha katirsan magaalada Gaza, waxa ayna sheegeen in xarun Qaramada Midoobay laheyd ka heleyn hub culus iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo ay sheegeen in Xamaas lahaayeen.

Ururka Xamaas ayaa dhankooda sheegay in ay iska difaaceen duullaankii kaga yimid ciidamada Isra’il, Xamaas ayaana sheegtay in khasaarooyin badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyeen ciidamada Isra’il ee soo duulay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Maamulka gobolka Bari oo War ka soo saaray xariga guddiga dib u dhiska jidka Boosaaso

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo la kulmay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirad shaqada iskaga casishay si ay daryeel u siiso saygeeda oo xanuunsanaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---