Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo Canshuur cusub soo rogtay

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqday in ay dhaqangelisay nidaam casri oo suuragelinaya in canshuurta iibka laga qaado lacagaha la isaga diro taleefanada shirkadaha isgaarsiinta ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Biixi Iiman Cige , ayaa muuqaal uu iska soo duubay ku shaaciyay in wasaaradiisu ay  diyaarisay nidaam cusob oo canshuurta iibka”Sales Tax” looga qaadayo dadka iyo ganacsatadaba.

Waxa uu sheegay wasiirka in lacago canshuuro ah laga qaadi doono lacagaha la isaga diro telfoonnada, waletyada iyo sidoo kale Marchanada, kuwaa oo markii hore hab aan lacag ku go’een ay dadku lacagaha isugu diri jireen.

”Shirkadaha isgaarsiinta iyo ganacsatadaba waxaanla wadaagayaa in canshuuraha ka dhasha iibka ee sida danabaysan u dhaca ha noqdaan moobaylada,walletyada iyo Marchanada ay dowladu yeelatay hab ay canshuurta ugaga goosan karto.”ayuu yiri Wasiir Biixi.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in canshuurta iibka ee ay dowladu ka qaadayso ay tahay boqolkiiba shan, uuna yahay mid aad uga yar canshuurta laga qaado dalalka deriska la ah Soomaaliya, mana sheegin xilliga ay bilaabaneyso canshuurtan cusub ee lasoo rogay.

Canshuurtan cusub ee wasaaradda Maaliyadda kusoo rogtay lacagaha telfoonnada la isaga diro ayaa kusoo aadaya , xilli golaha wasiirrada Soomaaliya Khamiistii ay ansixiyeen hindise sharciyeedka canshuuraha dakhliga oo wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda horgeysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamaas soo bandhigtay Haweeney ka tirsan Maxaabiista Yuhuuda ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo dalbaday Wadahadal iyo Heshiis uu la gaaro dowlada federaalka

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo xaliyay Tabashooyin ay qabeen madax katirsan Galmudug iyo Jubbaland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---