Laba diyaaradood oo duulayay hawada sare ee garoonka caalamiga ah ee Syracuse Hancock ,ee magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa aad isugu soo dhawaaday, kuna sigtay in diyaaradahaasi isku dhacaan.
Muuqaal la baahiyay ayaa muujinaya labada diyaaradood oo aad isugu soo dhawaaday kuna sigtay in ay isku dhacaan, waxaana durba bilowday baaritaanno arrinkan ay ku sameenayaan guddiga maamulka hawada sare ee Mareykanka.
Warbaahinta dalka Mareykanka ayaana si weyn u hadal haya dhacdady oo bishii hore ka dhacday hawada magaalada New Yourk, waxaana la sheegay in diyaaradhaaasi shilka gali gaaray hadda ku socdaan baaritaano ku aadan sida arrinkan u dhacay.
Diyaarado hawada sare ku jira ayaa marar badan ku sigtay in ay isku dhacaan, waxaana arrimahaasi mararka qaar loo aaneeyaa cilado farsamo iyo sidoo kale cimilo dhinaca hawada, lamana shaacin wali waxa sababay diyaaradahan hadda ku sigtay in ay isku dhacaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com