Allbanaadir.com
NEWS

(Akhriso) Go’aano culus oo laga soo saaray dagaalkii Luuq

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Jubbalanad iyo waxfarad kale oo maalmahan ku sugnaa Degmada Luuq ayaa soo saaray warsaxaafadeed ku saabsanaa xal u helidda colaadihii sokeeye ee dhexmaray bulshada ku dhaqan degmadaasi.

Wafdigii ka qeybgalay heshiisiinta bulshada ku sugan Degmada Luuq waxaa kamid ahaa Wasiir Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS Mudane Axmed Cumar Maxamed iyo Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Maamulka Jubbaland.

War saxaafadeedkan ayaa dhigaya qodobo ay ka mid yihiin

1-In loo hoggaansamo xabad joojin shuruud la’aan ah

2-In la badbaadiyo hantida shacabkii barakacay,

3-In laga wada qeyb qaato nabadda,

4-In dadku ay ku soo laabtaan guryahooda

5-Iyo in loo diyaargaroobo wadaxaajood ay ka qeyb galaan dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi

Heshiiska nabadeed ee la dhexdhigay dadka walaalaha ah ee ku dhaqan Degmada Luuq waxaa kaloo ka qeyb galay maamulka Degmada Luuq, saraakiisha ciidamada, oday dhaqameedyo iyo waxgarad kale.

Dagaalo u dhexeeya maleeshiyo beeleedyo ayaa ka dhacay degmada Luuq ee goblolka Gedo oo aan looga baran dagaalada noocan ah, waxaana ku naf waayey dad ka badan 20 qof halka tiro ay ku dhaawacmeen, waxaana la gubay Suuqa degmadaas oo hanti badan ay tiilay.

Related posts

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya oo caawa ammar siiyay ciidanka Haramcad (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciyaal Weero dil ka geestay xaafad katirsan Muqdisho iyo Cabsi hor leh oo soo korortay

Cabdi Cade

(Sawirro) Shiinaha oo Dowlada Somalia ku wareejiyey dhaqaale loogu talao galay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---