Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa kala diray golihiisa wasiirrada marka laga reebo madaxii wasiirrada oo sidoo kale ah wasiirka arrimaha dibadda, Musalia Mudavadi.
Ruto ayaa ku eedeyay wasiiradiisa howlqabad la’aan, kaddib bannaanbaxyadii toddobaadyada socday ee halista geliyay xasilloonida Kenya. Waxaa kaloo uu shaqada ka saaray Xeer Ilaaliyaha Guud.
“Markii aan dib u milicsaday oo aan si qoto dheer u dhegaystay hadalka shacabka Kenya, qiimayn buuxdana ku sameeyay wax-qabadkii golahayga wasiirrada iyo waxyaabihii u qabsoomay iyo caqabadaha horyaalla, ayaan maanta aniga oo ka duulaya awoodaha la ii dhiibay go’aansaday in aan si degdeg ah xilka uga qaado dhammaan Golaha Wasiirrada iyo Xeer Ilaaliyaha Guud.” ayuu yiri Ruto.
Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib Banaanbaxyo Todobaadyo qaatay oo ruxay dalka Kenya, kaas oo ay dadweynuhu kaga cabanayaan Canshuurta oo la kordhiyay iyo musuq maasuqa oo xoogeestay.