Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Xoogga dalka oo la wareegay labo Deegaan cusub

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya ciidanka deegaanka ee macawuusleyda ayaa saakay fuliyay howlgallo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ,waxa ayna ciidanka duullaan ku qaadeen deegaanno Al Shabaab ku sugnaayeen.

Sida aan wararka ku heleyno ciidanka dowladda Soomaaliya  iyo kuwa deegaanka ayaa goordhaw Al Shabaab kala wareegay deegaannada kala ah Buurweyn iyo Show oo hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Maxamed Absuge (Nuur dheere) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay qaadeen howlgallo guuleestay oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab .

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in kooxda Al Shabaab deegaannada maanta ay ka saareen dadka ku dhibaateenayeen, waxa uuna intaa ku daray in ciidamada sii wadaan howlgalada ay kooxdaasi uga saarayaan deegaannada ee gobolka ka joogaan.

Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa horey Al Shabaab uga saaray deegaanno badan ay kaga sugnaayeen gobolka Hiiraan,  waxa uuna gobolkaasi hormuud u ahaa halgankii dib u xureynta ee ka curtay deegaanno badan oo dalka katirsan ee looga hor yimid kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faah faahino kasoo baxaya dagaalkii xalay ka dhacay Muqdisho iyo Sargaal lagu dilay

Cabdi Cade

Ciidamada PSF oo nolosha ku qabtay labo nin oo Ajnabi ah oo ka badbaaday Duqeyn

Cabdi Cade

Sargaal katirsanaa Ciidamada maamulka Puntland oo la toogtay

admin