Wararka ka imaanaya degmada Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay abaaro salaadii maqrib qarax ku geeriyoodeen saddex carruur oo walaalo ah, kuwaa oo la sheegay in walxo loo maleenayo miino ay garaacayeen ku qarxay.
Carruurta geeriyootay oo kala ahaa labo gabdhood iyo wiil ayaa walxaha ku qarxay la sheegay in ay garaaceen kuna ciyaarayeen, labo kamid ah ayaana isla goobta qaraxa ka dhacay ku geeriyooday, halka midka saddexaadna ku geeriyooday isbitaal Xeraale kuyaalla.
Aabaha dhalay carruurtan geeriyootay oo lagu magacaabo Cabdicasiis Maxamed Aadan ayaa sheegay in carruurtiisa ay qadar alle ku dhacday, waxa uuna sheegay in carruurtiisa ay guud ahaan ahaayeen afar, waxa uuna xusay in hal cunug hadda u joogo.
Carruurta geeriyootay ayuu aabbe Cabdicasiis ku sheegay in ay kala jireen lix sanno, afar sanno iyo labo jir, waxa uuna caddeeyay in uu ku qanacsan yahay qaddarta alle ee ku dhacday kuna samrayo, waxa uuna xusay in hooyada carruurta iyana qaddarta ku samarsan tahay.
Gobolada dalka qaarkood waxaa yaalla waxyaabo haraadi qaraxyo miino ah, kuwaa oo mararka qaar galaafta nolosha dadka reer miyiga ah gara ahana carruurta oon aqoon kuna ciyaara, waxaa marar badan qaraxyadaasi ku geeriyooday carruur badan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com