Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo huwan ah oo isku furay Waddooyin Al Shabaab u xirnaayeen (Sawirro)

Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Xooga dalka ayaa maanta si rasmi ah u furay wadada dheer ee isku xirta Kismaayo iyo Afmadow iyagoo burburiyay gabaadyadii u danbeeyay ee khawaariijtu ay ku lahayd deegaanada gobolka Jubada Hoose ee u dhexeeya Kismaayo iyo Afmadow.

Ciidamada ayaa inta uu howlgalkan socday gaaray deegaanada Lagta Qubbi, Golhadamo, Biibi, Harboole iyo Miido iyadoo Ciidamadu ay kasoo kala bexeen Degmada Afmadow iyo deegaanka Jannaa Cabdalle.

Ciidamada Jubaland oo maalmahii lasoo dhaafay sifayn ku waday jidka dheer ee u dhexeeya Kismaayo iyo Afmadow waxaana wixii hada ka danbeeya si nabadd ah u isticmaali doona dadweynaha.

Dhinaca kale Ciidamada Jubaland ayaa maanta howlgalo ka sameeyay deegaanada Joore iyo deegaanka Weelmaarrow iyadoo dagaaladaas khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay khawaariijta.

Related posts

Shariif Xasan oo Shaaciyay Arin aan dalka horey uga dhici jirin iyo Madasha oo Dowlad kale dhiseysa !!

Cabdi Cade

Muxuu Xassan Shiikh kala hadlay hogaanka ciidanka XDS?

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey Khilaaf ka dhex curtay Xaaf iyo Ahlu Sunna

Caydiid Ali
Taboola Ads ---