Allbanaadir.com
NEWS

Soomaali lagu dilay Weerar Seefaf iyo Budad loo adeegsaday

Xaalad cabsi ah ayaa lasoo daristay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u kala safra dalalka Kenya iyo Uganda, kaddib markii weerar khasaaro dhimasho iyo dhaawac dhaliyay lagu qaaday gaadiid ay la socdeen Soomaali safar aheyd.

Inta la xaqiijiyay weerar loo adeegsaday seefaf iyo budad ayaa lagu dilay saddex muwaadin oo Soomaali ah , halka dhaawacyo kala duwan la gaarsiiyay todobo qof oo kale , kaddib weerar lagu qaaday gaadiid ay dadkan ku safrayeen.

Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya ayaa la gaarsiiyay meydadka dadka la dilay qaarkood iyo dhaawacyada, waxaana magaaladaasi  shalay lagu aasay, gabadh dhalinyara ah oo ka mid aheyd saddex qof oo Soomaali ah Jimcihi lagu dilay deegaan ka tirsan galbeedka Kenya.

Dadka weerarka geestay oo la sheegay in ay careysnaayeen ayaa si gaar ah u beegsaday muwaadiniinta Soomaaliyeed ee safarka ahaa, waxa ayna dhibaatadan dhalisay in ay joogsadaan gaadiidkii Soomaalida ku safri jirtay ee  u kala gooshi jiray dalalka Uganda iyo Kenya.

Ehelada dadka la dilay qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay dadka la dilay lana dhaawacay ay u badnaayeen dhallinyaro wax ka baraneysay Kenya iyo Uganda, waxa ayna sheegeen in dhallintan oo watay gaari Noaha ay waddo ka lumeen ay galeen meel tuulo ah , halkaasna lagu dilay.

Madaxda dowladda Kenya ayey ka codsadeen ehelada dadka la dilay in caddaalad u raadiyaan dadkooda sida xaqdarada ah loo dilay, waxa ayna sheegeen dhallinta la laayay ay ahaayeen kuwa leen u socday oo heestay sharciyada UN-ka bixiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad Carbeed oo iibsaneysa 24 Diyaarad oo Nuuca Dagaalka ah

admin

Madaxweyne Xasan oo kulan xasaasi ah la qaatay taliyaal ciidan (Sawirro)

Cabdi Cade

Qaraxyo loo adeegsaday gaadiid waa weyn oo goordhaw ka dhacay Magaalada Baledweyne

Cabdi Cade
Taboola Ads ---