Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Axmed Madoobe & Saraakiil Mareykan ah oo ka shiray..

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay Saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka oo uu horkacayey Taliyaha hawlgallada gaarka ah ee wadajirka ah ee bariga Afrika Col. David Haskell oo booqasho ku yimid Jubaland.

Kulanka ayaa lagaga hadlay howlgallada ay wadaan Ciidamada Jubaland iyo taageerada dhinaca amniga ee Dowladda Maraykanka ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al shabaab.

Taliyaha hawlgallada gaarka ah ee wadajirka ah ee bariga Afrika Col. David Haskell ayaa bogaadiyay howlgallada ay wadaan Ciidamada Jubaland ee lagu xoreeyay deegaanada J/hoose gaar ahaan deegaanka buuloxaaji iyo deegaanada ku xeeran isagoo xusay in guulaha laga gaaray howlgalladii u danbeeyay ay muujinayaan sida Dowladda Jubaland ay uga go’antahay xoreeynta deegaanada wali ay ku harsan yihiin Al shabaab

Waxaa Madaxweynaha kulanka ku wehelinayay Taliyaha Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubaland Mudane Maxamed Axmed Sabriye iyo Taliyaha Ciidamada Darawiishta Jeneraal Ismaciil Saxardiid.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo iyo Beesha Caalamka oo shir Xasaasi ah uga furmay Afisiyooni

Cabdi Cade

Cumar Filish oo gudoomiyey kulan looga hadlay xoojinta amniga Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Bishaar Al Asad oo kulan xasaasi ah la qaadanaya Kim John Un

Cabdi Cade
Taboola Ads ---