Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Abiy Ahmed oo booqashadii u horeysay ku tagay..

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya,Abiy Ahmed ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Port Sudan, taasoo ah booqashadii ugu horrreysay oo sarkaal sare oo dawladeed uu ku tago dalka Suudaan tan iyo markii ay dagaallada ka bilowdeen.

Waxaa uu kulamo la qaatay madaxa militariga Suudaan, Abdel Fattah al-Burhan, wuxuuna  Abiy isku dayi doonaa inuu raadiyo hab wada-xaajood oo lagu joojin karo dagaalka, sida uu dhowaan ka sheegay Addis Ababa.

Itoobiya iyo Suudaan, waxaa muddo dheer ka dhaxeeyay khilaaf salka ku haya khayraadka iyo dhulka, marka laga soo tago xiisadda wabiga Niil.

Waxay isku dayaysay Sudan inay la wareegto gacan ku heynta gobolka xadduudka ku yaalla ee Al Fushqa oo ay ku muransan yihiin dadka ka soo jeeda Al Qadarif iyo Amxaarada. Gobolku waa dhul beereed barwaaqo ah, caasimaddiisuna waa Showak.

Related posts

Dowlada Itoobiya oo xireysa Safaaradeeda Masar iyo Sababta oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Jaamacadda Jobkey iyo Mahsa University (Malaysia) oo heshiis iskaashi kala saxiixday [Sawirro]

Caydiid Ali

Ilhan Cumar oo guul Taariikhi ah ka gaartay Doorasho ka dhacday Mareykanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---